Abii Hureyra -Allaha ka raali ahaadee-wuxuu Rasuulka -naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- ka wariyey inuu yiri: "Allaha nafta Maxamed gacantiisa ku jirtaan ku dhaartee qofka i maqla ee ummaddaan ka mid ah yahuudi ama nasraani-kuu doonaba ha ahaadee-, ee dhinta isagoon rumayn xaqa la ila soo diray wuxuu ahaanayaa kuwa naarta gala".
Xadiis Saxiix ah
Waxa wariyay Muslim
Abii Dar Allaha ka raali ahaade waxaa laga wariyey inuu dhahay: Nabiga scw ayaa igu yiri: " Shay ka mida wanaag ha yarysan, haba ahaato inaad kula kulanto walaalkaa waji furan."
Xadiis Saxiix ah
Waxa wariyay Muslim
Jaabir Ilaahay ha ka raali ahaadee waxaa laga wariyey inuu yiri: waxaan ka maqlay Rasuulka Ilaahay scw isagoo dhahaya: (Dikri waxaa u fadli badan: laa Ilaaha Ilaa Allah, ducuna waxaa u fadli badan: Alxamdu lilaah).